Gudiga Samafalka iyo Abaaraha ee gobolka Sool oo 600 oo qoys deeq gaadhsiiyey.[Video/Masawiro]

April 1, 2016 - Written by Editor

IMG_0387 (2)Laascaanood:-Waxaa Gudiga Samafalka iyo Abaaraha ee gobolka Sool ay saaka gaadhsiiyeen ilaa 600 oo qoys deeq ay bixisay Dawlada isu taga Emirate .Deeqdan oo loogu talagalay 1900 qoys , ayaa waxaa magaalada Laascaanood kaga beegnaa 600 oo qoysk. Deeqdaan oo ahayd mid tayo leh ayaa loogu tala galay in loogu gurmado dadka tabaalaysan Sida dadka ka soo qaxay abaaraha ee u soo hayaamay magaalada , dadka xanuusan , kuwa danyarta aan haysan wax ay quutan , kuwa curyaamad ah , agoomaha iyadoo hadda lagu gudo jiro abaara ba’an oo saameeyey dadka iyo duunyaba.

Gudoomiyaha Gudiga Samafakka iyo Abaaraha gobolka Sool Sh Axmed Maxamed Suleiman ayaa sheegay in deeqdaani ay tahay mid ay soo dhiibtay dawlada Emaaraatka , waxaana deeqdaa la gaadhsiiyey deegaano hoos yimaada gobolka Sool gaar ahaan:-

1.magaalada Laascaanood 600 oo Qoys.

2.magaalada Taleex 500 oo Qoys .

3.magaalada Xudun 200 oo Qoys .

4. Yagoori 250 oo Qoys.

5 magaalada Boocame 250 oo Qoys.

6. Kalabaydh 250 oo Qoys .

Gudoomiyaha Gudiga Samafakka iyo Abaaraha gobolka Sool ayaa si wanaagsan u wada gaadhsiiyey deeqdaa deegaanada kor ku xusan oo dhan.

Hoos ka Daawo Gudiga Abaaraha Gobolka Sool oo ilaa 600 oo Qoyska deeq Gaadhsiiyey

En Mawliid Isma Haradigeed
Laascaanood,Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online