Heshiiska ay kala saxiixdeen Puntland & Dowladda Federaalka Soomaaliya.[Masawiro/Akhriso]
April 3, 2016 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa caawa lagu saxiixay xarunta Madaxtooyada ee magaalada Garoowe heshiis ay wada gaareen wafdi uu hogaaminayey Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo Madaxda Puntland oo mudo ka badan 10 cisho shirar ay uga socdeen xarunta Madaxtooyadda ee Garoowe.
Wafdi uu hogaaminayey Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa ku guulaystay in uu shirar badan ka dib uu ku qanciyo Madax weyne Gaas in uu aqbalo nidaamka doorashada 2016 ee ah 4.5 taas oo in mudo ah uu didanaa Madaxweyne Gaas.
Qodobka kale ee ku xusan hishiiska dhexmaray Wafdi uu hogaaminayey Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliyaiyo Madaxweyne Gaas ayaa waxaa ka mid ah in xubnaha Baarlaamka Aqalka Hoos iyo aqalka sare qaybteeda Puntland doorashadoodu ka dhacdo magaalada Garowe ugu danbeyntiina uu saxiixo madaxwaynaha Puntland iyo in laga wada hadli doono halka doorashada 2016 ay ka dhici doonto.
no images were found
Hoos ka eeg Hishiis dhexmaray Puntland iyo Wafdi uu hogaaminayey Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya. no images were found
no images were found
no images were found no images were found no images were found no images were found
M_M_Deeq
Halgan.net