Kusimaha Madaxweynaha oo maanta kulan la qaatay guddiga gurmadka Abaaraha Puntland
April 24, 2016 - Written by EditorMadaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta xafiiskiisa qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe kulan kula qaatay guddiga gurmadka abaaraha Puntland.
Kulanka ayaaa ahaa is xogwaraysi guud iyo wadatashi la xiriira sidii loo dardar gelin lahaa gurmadka abaaraha iyadoo layska kaashanayo dawlad iyo shacabba isla markaana dedaal dheeraad ah loogu geli lahaa badbaadinta dadka iyo duunyada ay abaaruhu saameeyeen.
Sidoo kale xubnaha guddiga oo socdaal ku tegey dhammaan gobollada Puntland ee ay abaaruhu ka jiraan gaar ahaa goobihii ay sida ba’an u saameeyeen abaaruhu ayaa kusimaha Madaxweynaha uga warbixiyey waxyaabihii ay indhohooda kusoo arkeen.
Guddiga ayaa sheegay in ay soo arkeen dhul ay ka jirto abaar aad u ba’an oo sababtay inay xooluhu maalin walba tarab-tarab u baxaan isla markaana ay guddigu gaadhsiiyeen gurmad dadkii iyo duunyadiiba, balse baahida ka jirta deegaanadaasi ay weli tahay mid u baahan In lasii laba jibbaaro gurmadka loo fidinayo deegaanadaasi.
Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha ayaa sheegay in dawladdu ay sii wadayso ka qayb-qaadashada gurmadka abaaraha isla markaana looga baahan yahay shacabka Puntland in aanay ka daalin gurmadka loo fidinayo shacabka reer Puntland ee ay wax-yeelleeyeen abaaruhu.
no images were found
Sidoo kale kusimaha Madaxweynaha ayaa sheegay in la galay xilli roobaad isla markaana ay jiraan deegaano ka mid ah gobollada Puntland oo uu ka curtay roobkii Gugu, isla markaana xoolaha intooda ka badbaadey abaaraha ay yihiin kuwo aad u nugul oo aan xamileyn in ay u adkaystaan roobabka, loogana baahan yahay shacabka Puntland in ay u tabaabushaystaan arrintaasi.
—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAH IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.