Kusimaha Madaxweynaha oo maanta kulan la qaatay guddiga gurmadka Abaaraha Puntland

April 24, 2016 - Written by Editor

IMG_6575Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta xafiiskiisa qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe kulan kula qaatay guddiga gurmadka abaaraha Puntland.

Kulanka ayaaa ahaa is xogwaraysi guud iyo wadatashi la xiriira sidii loo dardar gelin lahaa gurmadka abaaraha iyadoo layska kaashanayo dawlad iyo shacabba isla markaana dedaal dheeraad ah loogu geli lahaa badbaadinta dadka iyo duunyada ay abaaruhu saameeyeen.

Sidoo kale xubnaha guddiga oo socdaal ku tegey dhammaan gobollada Puntland ee ay abaaruhu ka jiraan gaar ahaa goobihii ay sida ba’an u saameeyeen abaaruhu ayaa kusimaha Madaxweynaha uga warbixiyey waxyaabihii ay indhohooda kusoo arkeen.

Guddiga ayaa sheegay in ay soo arkeen dhul ay ka jirto abaar aad u ba’an oo sababtay inay xooluhu maalin walba tarab-tarab u baxaan isla markaana ay guddigu gaadhsiiyeen gurmad dadkii iyo duunyadiiba, balse baahida ka jirta deegaanadaasi ay weli tahay mid u baahan In lasii laba jibbaaro gurmadka loo fidinayo deegaanadaasi.

Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha ayaa sheegay in dawladdu ay sii wadayso ka qayb-qaadashada gurmadka abaaraha isla markaana looga baahan yahay shacabka Puntland in aanay ka daalin gurmadka loo fidinayo shacabka reer Puntland ee ay wax-yeelleeyeen abaaruhu.

no images were found

Sidoo kale kusimaha Madaxweynaha ayaa sheegay in la galay xilli roobaad isla markaana ay jiraan deegaano ka mid ah gobollada Puntland oo uu ka curtay roobkii Gugu, isla markaana xoolaha intooda ka badbaadey abaaraha ay yihiin kuwo aad u nugul oo aan xamileyn in ay u adkaystaan roobabka, loogana baahan yahay shacabka Puntland in ay u tabaabushaystaan arrintaasi.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAH IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online