Maamulka Khaatumo State oo si adag u diiday Heshiiska DFS iyo Puntland (Daawo)
April 6, 2016 - Written by EditorBuuhoodle:-Maamulka Khaatumo State ayaa si adag u diiday heshiiska DFS iyo kuwa Puntland kaas oo lagu saxiixay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.
Maamulka Khaatumo State ayaa sheegay inay xirirkii u jareen dowlada Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State Pro Cali Khaliif Galeyr ayaa si adag u diiday in reer Khaatumo aan cidna magan uga ahayn arimaha Soomaaliya wuxuuna cadeeyey in cidna aysan Khaatumo wax u xuli karin.
Madaxweynaha Khaatumo ayaa digniin u diray Maamulada Somaliland ,Puntland iyo dowlada federaalka Soomaaliya in ay joojiyaan faragalinta ay ku hayaan umuuraha reer Khaatumo wuxuuna ugu baaqay reer Khaatumo midnimo .
M_M Deeq
Halgan.net