Machadka Caafimaadka ee Sool oo adeeg caafimaad u fidiyey 650 qof oo ku nool deegaanka Ballihadhac.[Masawiro]

April 6, 2016 - Written by Editor

1Laascaanood:-Machadka Sare ee Tababarka Caafimaadka ee Sool Institute ee magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa gaadhsiiyey adeegyo caafimaad oo qaar ka mid ah deegaanada ay abaaruhu saameeyeen kuwaas oo ay ku soo hayaameen ,Deegaanka Ballihadhac oo ka tirsan gobolka Cayn oo 88 KM kaga beegan Waqooyi galbeed iyo Nawaaxigiisa ayaa waxaa Todobaadkii tegay uu u diray hawl wadeeno Caafimaad oo wax ka barta Machadka Tababarka Caafimaadka ee Sool Institute .

Howlwadeenadan oo koobnaa 8 ruux ayaa waxaa ay ku sugnaayeen deegaanka iyo nawaaxgiisa afar maalmood waxaa ay u fidiyeen dadka deegaana daasi adeegyo caafimaad oo kale duwan Adeegyada waxaa ka mid ahaa:-

1.Daawayn

2.Baadhitaano bilaasha

Waxaa ay daaweeyeen in ka badan 650 qof oo u sugnaa deegaanka intii ay ku sugnaaayeen waxaa ay soo ay warbixin ka sameeyeen Xanuunada ugu badan ee ku dhaca dadka deegaan ka oo ay aafeeyeen abaaraha laba jirsaday ee Alle uu ku Imtixaanay adoomihiisa, Xanuunada waxaa ka mida ahaa:-
Xanuunada maqaarka ku dhaca oo fara badan:-

1. Macaan xanuun ku badan haweenka deegaanka , gaar ahaan kuwa Uurka leh .

2. Xanuunka shubanka oo aad u hayey caruurta yar yar ee ka yar shanta sano .

3. Dhiig la`aan ku badan haweenka xilliga Uurka dhalmada.

4. Cudurada ku dhaca cunaha afka.

5. Xanuunka Hargabka loo yaqaano maadama ay xiligu jiilaal ahaa .

6. Dhicis faro badan haweenka ah in ilmuhu kasoo dhaco oo dhowr kiisas ah kuwo hore iyo kuwo dambe nafaqo daro baahsan caruurta iyo haweenkaba.

7. Cudurada indhaha ku dhaca.

Guuleed Xassan Kaarshe oo ah Hormuudka kooxdaan ayaa waxaa uu ka waramay waxyaabah u qabsoomay . Markii ay ku soo guryo noqdeen Kooxdan Hawlwadeenada Caafimaad ee Machadka Caafimaadka ee gobolka Sool ayaaa waxay qabteen. Munaasabada ay ku soo bandhigayeen adeegyada Caafimaad ee uu ardayda machadkau u sameeyey mudo afar maalmood dadka abaaruhu Saameeyeen , waxaa ka soo qayb galay munaasabadaasi bahda caafimaadka ee gobolka Isuduwaha caafimaadka ,maamulka Sare ee Machadka iyo Hawldaeenada Caafimaad ee gobolka.

Maamulka Sare ee Machadka Caafimaadka ee Sool Institute Drs Zam Zam Ducaale Muuse ayaa u dirtay bulshada gobolka Sool in ay ka qayb qaadtaan siddii loogu fidin lahaaa dadka ay saameeyeen baaaruhu , gaar ahaaan deegaanada aan haysan adeegyada Caafimaad ee gobolka. Dhanka kale Odayaasha iyo waxgaradka deegaanka Ballihadhac ayaa baaq u diray bulshada gobolka Sool.

Hoos Ka DaawoMachadka Sare ee Sool Institute oo Adeegyo Caafimaad gaadhsiiyey Ballihadhac

En Mawliid Isma Haradigeed
Laascaanood,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online