Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Addis Ababa kulan kula qaatay Danjiraha Masar u fadhiya Ethiopia (Masawiro)

April 18, 2016 - Written by Editor

4AdisAbaba:-Madaxweynaha Dawladda Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo safar shaqo u jooga magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia ayaa maanta 18-April-2016 waxa uu kulan la qaatay Danjiraha Dawladda Masar u fadhiya dalka Ethiopia iyo ganacsato masaari ah oo hawlo ganacsi u jooga dalkaasi Ethiopia.

Kulanka ayaa Madaxweynaha waxaa ku wehelinayey Wasiirka Gacanacsiga iyo Wershadaha Dawladda Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle oo kamid ahaa waftigii Madaxweynaha, waxaana ay kawada hadleen Madaxweynaha iyo Danjruhu sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka ganacsi ee Masar iyo Puntland, isla markaana ay masar xilligan maalgashi ugu samaysan lahayd Puntland.

Safiirka ayaa soo dhoweeyey Madaxweynaha iyo waftigiisa isla markaana waxa uu sheegay inay fursad muhim ah u tahay dawladda Masar in ay maal-gashiyo ku samaysato waddanka Soomaaliya gaar ahaa Puntland oo uu masar kala dhexeeyo xiriir ganacsi oo taariikhi ah isla markaana qarniyo soo jirey.

Sidoo kale safiirku waxaa uu sheegay in ay dhowaan safar shaqo ku tegi doonaan Puntland si’ay usoo arkaan fursadaha maal-gashi ee ka bannaan iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland sida dekedaha iyo garoomada diyaaraha oo ah waddooyinka fududaynaya xiriir ganacsi oo dhex mara Puntland iyo Masar.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa geestiisa sheegay Puntland in ay ka jirto nabad iyo xasilooni gaamurtey, taas oo dhiirri gelineysa in shirkado caalami ah ay maal-gashiyo ku samaysan karaan Puntland.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu warbixin kooban ka siiyey Danjiraha iyo ganacsatada Masaarida ahba horumarka xawliga ku soconaya ee Puntland gaar ahaan Garoomada diyaaradaha Puntland oo u diyaarsan qaabka garoomada caalamiga ah ee dunida hore u martay.

Shirkado caalami ah oo maal-gashiyo ku samaysta Puntland waxa fursado shaqo ka heli kara boqollaalka arday ee sannad walba ka qalin jebinaya Jaamacaha gudaha iyo dibadda, isla markaasina in badan oo kamid ah ay la kulmaan shaqo la’aan baahsan.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online