Madaxweynaha Dawladda Puntland oo dalka Sucuudiga kulamo kula qaatay Madax Sare oo ka tirsan Boqortooyada Sucuudiga.[Masawiro]

April 24, 2016 - Written by Editor

13081817_1056315774432824_1976958983_nMadaxweynaha Dawladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas oo safar shaqo ku jooga  Magaalada Riyaad ee Caasimadda Boqortooyada Sucuudiga ay waxaa uu halkaasi kula kulmay madax sare oo ka tirsan boqor tooyada Sucuudi Carabiya iyo Danjiraha dawladda Soomaaliya u fadhiya Waddanka Sucuudiga.

Ujeedka Socdaalka Madaxweynaha ayaa daarran sidii loo xoojin lahaa xiriirka dawladda Puntland iyo Dawladda Sucuudiga, dardar gelinta xiriirka ganacsi ee u dhexeeya labada dhinac iyo iskaashiga nabad-gelyada guud maadaama dawladda sucuudigu ay dagaal dabo dheeraaday kula jirto kooxaha xuutiyiinta shiicada ee dalka Yemen isla markaan ay Puntland iyo Yemen wadaagaan xuduud badeed aad u ballaadhan, ayna suuragal tahay in kooxahaasi ay kasoo tallaabaan xadka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa waxa uu kulamo kula qaatay barayaasha Soomaalida ah wax kadhiga Jaamacadaha Dalkaasi Sucuudiga waxaana uu ku boorriyey in ay ka qayb qaataan horumarka ka soconaya dalka Soomaaliya guud ahaan ayna sidoo kale ka shaqeeyaan horumarinta iyo tayaynta Jaamacadaha dalka si dhallinyarada waxbarashada u doonanaysa waddamada dibadda ay dalkooda ugu negaadaan.

Xog-hayaha joogtada ah ee ururka Caalamiga ah ee dhallinyarada Islaamka (General Secretary World Assembly Muslim Youth)  Dr. Salah Al-wahabi ayuu Madaxweynuhu kala hadlay sidii ay Soomaaliya ugala shaqayn lahaayeen wacyigelinta dhallinyarada maskaxdooda la qalday, diinta Islaamkana sida qalloocan loo fahamsiiyey loona adeegsanayo bur-burinta qaranka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa caasimadda Sucuudiga ee Riyaad kulan is xogwaraysi guud ah kula qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo muddooyinka ugu dambeeyey ku noolaa waddamda carabta, waxayna kawada hadleen xaaladda guud ee Mustaqbalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dalwadda Puntland ayaa muddo kooban joogi doona waddanka sucuudiga, waxaana  uu kulamo la qaadan doonaa Madaxda ugu sarraysa dalkaasi isla markaana waxa uu  kala hadli doonaa sidii dawladda sucuudigu ay Puntland uga fulin lahayd mashaariic horumarineed oo isugu jira Jidad, Garoomo diyaaradeed, Dekedo, Ceelal biyoodyo iyo Mashaariic kale.

no images were found

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

 

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online