Madaxweynaha DFS oo sheegay in uu yahay Musharax mar kale (Dhageyso)
April 21, 2016 - Written by EditorMadaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu mar kale yahay murashax u tartamaya xilka madaxweynaha ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Madaxweynaha DFS ayaa socdaal shaqo ku jooga dalka Maraykanka ayaa waxaa uu wareysi gaar ah siiyey laanta Af-Soomaaliga ee idaacadda VOA-da wuxuuna sheegay hadii la doorto mar kale uu fulin doono balanqaadyada uu soo bandhigin doono xiliga doorashada ee 2016.
Madadaxweynaha DFS ayaa sheegay in uu khibrad iyo waayo aragtinimo ka faa,iday intii uu hayey xilka Madaxweynaha DFS.
Xasan Sh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in uu haysto kalsooni badan kaas uu ku gudan karo waajibaadka qaran ee dalka wuxuuna ku faanay in lixdii tiir uu balan qaaday ay wax badan ka fuleen.
Hoos ka Dhageyso Wareysiga Madaxweynaha DFS uu siiyey laanta Af-Soomaaliga ee idaacadda VOA-da
A/Cawale
Halgan.net