Madaxweynaha DFS oo soo dhoweeyay heshiiskii ay gaareen DFS iyo Puntland

April 4, 2016 - Written by Editor

xassan3Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Sh. Maxamuud, ayaa soo dhoweeyay heshiiskii ay magaalada Garowe ku kala saxiixdeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Puntland ee ku aaddan qaabka doorashada ee sannadka 2016-ka.

“Waxaan si diiran u soo dhoweynaya tallaabadaan horumarka ah oo dhabbada u xaareysa in Soomaaliya ay sannadkan ka qabsoomaan doorashooyin loo wada dhan yahay. Heshiiskaan waxaa uu sidoo kale ka tarjumayaa biseylka siyaasadeed ee Soomaalida ee ay ku xalisanayaan arrimahooda’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed inay si wadajir ah u taageeraan hannaanka siyaasadeed ee dalka oo uu sheegay inuu fure u yahay horumarka, nabadda iyo dib u dhiska dalka.

Ugu dambeyntii Madaxweynuhu wuxuu ugu baaqayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, dal iyo dibadba, iyo beesha caalamka iney u gargaaraan dadka ay saameysay abaarta ka jira Soomaaliya.

———–DHAMMAAD————
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online