Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Gaas oo dib ugu laabtay Garoowe.[Masawiro]

April 13, 2016 - Written by Editor

IMG_6011Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas iyo waftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey oo  Maanta 13-April- 2016 kasoo Amba baxay magaalada kuna soo jeedey magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo sagootiyey xubno ka tirsan labada gole ee dawladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa markii uu soo gaadhey magaalada Garoowe ee caasimadda Dawladda Puntland waxaa kusoo dhoweeyey Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, Wasiirro, Xidhibaano iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah, waxaana intaasi kadib loosoo gudbiyey Madaxweynaha Xarunta Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe halkaas oo uu warbaahinta kula hadlay.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka warbixiyey safarkii shaqo ee isaga iyo waftigiisu ay ugu maqnaayeen magaalada muqdisho waxaana uu sheegay in magaalada muqdisho ay uga qayb galeen shirkii Madasha wadatashiga qaran ee looga hadlayey xilliga kala guurka ah iyo sidii waddanka uu uga dhici lahaa isbeddel  horseeda dawladnimo wanaagsan oo tayo leh ay haysata kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in safarkooda muqdisho uu daarranaa sidii aanay waddanka uga dhici lahayn wax muddo kororsi ah isla markaasina loo samayn lahaa Road Map-kii waddanka lagu gaadhsiin lahaa doorasho qof iyo cod ah sannadka 2020-ka.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale xusay heshiiskii ay wada galeen dawladda Puntland iyo dawladda federaalku horraantii bishan, waxaana uu ku tilmaamay heshiiskaasi in uu ahaa mid muujinaya Maslaxadda guud ee ummadda Soomaaliyeed in ay isku mid tahay isla markaan ay dawladda Puntland marwalba ka shaqayso masladda guud ee dalka.

“waxaa ka muuqdey warmutiyeedkii kasoo baxay shirka in lays waafajiyo heshiiskii dawladda Puntland iyo Dalwadda federaalku ay ku galeen magaalada garoowe, beesha caalamkuna ay markhaatiga ka ahayd iyo waxa kasoo baxay madasha wadatashiga qaran in ay is waafaqaan
Taasi waxay ka turjumaysaa in marwalba maslaxadda Puntland iyo midda Soomaaliyeed ay isku mid tahay oo is waafaqayso, heshiiskan ayaana markhaati u ah” ayuu Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa caddeeyey in ka-xukuumad ahaan ay dawladda Puntland ku qanacsan tahay heshiiskaasi isla markaana ay aad usoo dhoweyeneyso, sidoo kalena uu dhici doono shir kale oo looga hadli doono arrimaha dastuurka qabyo qoraalka ah, kaas oo lagu qaban doono magaalada garoowe horraanta bisha soosocta kaas oo lagu lafo guri doono dastuurka oo ay Puntland hore dhowr mar uga hadashay wax ka beddelka lagu sameeyey.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online