Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo dib ugu laabtay Kismaayo.[Daawo]
April 13, 2016 - Written by EditorKismaayo:-Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed madoobe ayaa dib ugu soo laabatay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubbaland ka dib markii uu ka soo qayb galay shirkii wada tashiga qaran ee hogaamiyaasha Soomaalidu dhowr cisho uga socday magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed madoobe ayaa ku tilmaamay shirkii madasha wada tashiga Qaran ee lagu soo gaba gabeeyey magaalada Muqdsho mid ku soo dhamaaday guul isagoo xusay in hogaamiyaasha Soomaalidu ay heshiis wada gaareen iyadoo aysan ku dhex jirin dad shisheeya ah.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed madoobe ayaa yiri” Shirkii wada tashiga Qaran waxaa uu ahaa mid lagu heshiiyey kuna soo dhamaaday guul iyadoo qodobada ka soo baxay shirka uu ahaa mid ay go’aamadoodu ay gaareen madaxda Soomaalida.
Hoos ka Daawo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed madoobe oo ku soo laabtay Kismaayo
Cabdi Yare
Kismaayo