Madaxweynaha Puntland oo tababar u soo xidhay cutubyo ka tirsan ciidanka ilaalada Madaxtooyada.[Cod/Masawiro]

April 7, 2016 - Written by Editor

IMG_4781Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 7-April-2016-ka Xarunta Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe Tababar ugu soo xidhay cutubyo ka tirsan ciidanka ilaalada Madaxtooyada dawladda Puntland oo muddo dhawr bilood ah ay tababarro uga socdeen labada xarumood ee Madaxtooyada ee magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso.

Ciidanka ilaalada Madaxtooyada shaqadoodu kuma koobna ilaalinta Madaxtooyada oo keliya balse waxay qayb ka qaataan hawl-gallada deg-degga ah ee la faro in ay fuliyaan iyo sidoo kale in ay kaqayb qaataan dagaallada lagula jiro kooxaha sharwadayaasha Al-shabaab iyo cid kasta oo kusoo xad gudubta Puntland, waxaana ciidankaas oo aad u tiro badan saaka tababarka  loo soo xidhay  161-askari oo kamid ah ciidankaasi,  iyadoona uu ugu dambayntii Madaxweyne Gaas guddoonsiiyey shahaadooyin sharafyo qayb kamid ah ciidankaasi oo xilligii tababarku socdey muujiyey dedaal dheeraad ah.

Sidoo kale Munaasibadda Tababarka loogu soo xidhayey ciidanka ayaa waxaa kasoo qayb galay Taliyaha guud ee ciidanka Daraawiishta Puntland Generaal Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere), Taliyaha Ciidanka ilaalada Madaxtooyada Gaashaanle sare Abdirashiid Maxamuud Ashkir (Qodhob), Saraakiil sarsare oo ka tirsan laamaha kala duwan ee ciidanka iyo agaasimayaal.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku ammaanay saraakiisha ciidanka dedaalka ay ugu jiraan tayaynta iyo qalabaynta laamaha kala duwan ee ciidanka taas oo sabab u noqotay in ay toddoba cisho gudohood kusoo afjaraan hawl-galkii Puntland lagaga sifaynayey kooxihii sharwadayaasha Al-shabaab ee duullaanka kusoo qaaday Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa kula dardaarmay ciidankii tababarku usoo xidhmay  in looga baahan yahay in ay marwalba ka duwanaadaan ciidamada kale maadama ay joogaan muraayaddii dalka oo ah halka laga qiimaynayo tayada ciidanka dalka, waxaana u u ballan qaaday Madaxweynuhu in ay heli doonaan tababarro dheeraad ah iyo dallacsiin.

Hoos ka Dhagayso khudbada Madaxweyne Gaas u jeediyey ciidamada ilaalada madaxtooyadda ee loo soo xiray Tababarka

[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/ilaalogaas.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAH AIYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online