Madaxweyne Dr.Gaas oo sagootiyey wafdigii uu hoggaaminayey Dr.Tedros Adhanom.[Masawiro]

April 4, 2016 - Written by Editor

IMG_4399-640x426Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 04-Apr-2016 kusii sagootiyey garoonka diyaaradaha ee Kanoonoko ee duleedka magaalada Garoowe Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia ahna Guddoomiyaha Wasiirada Arrimaha Dibadda ee urur goboleedka IGAD  Dr. Tedros Adhanom iyo waftigii uu hoggaaminayey.

Dr. Tedros Adhanom ayaa Garoowe u yimi in uu qayb ka ahaado heshiikii dhexmaray Dawladda Puntland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo lagu jaan goynayey qaabka loosoo xulayo xubnaha labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya iyo sidii aan dalka dib loogu soo celiyeen hannaankii awood qaybsiga qabiilka ee 4.5 wixii ka dambeeya doorashada 2016-ka.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sheegay in heshiiskii xalay lagu kala saxiixday Garoowe uu ahaa mid taariikhi ah isla markaana dhabbaha loogu xaadhayey sidii loo heli lahaa dawladnimo soomaaliyeed oo waddanka kasaarta waxqaybsiga qabiilka ee 4.5 kaas oo dalka  ragaadiyey 16-kii sanno ee lasoo dhaafay.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in  Dr. Tedros uu yahay dammaanad qaadaha heshiiskaasi, isla markaana beesha caalamka ee goobjooga ka ahayd heshiiska ay markhaatiyaal ka ahaayeen wixii ay ku heshiiyeen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Puntland.

Ugu dambaytii, Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa wax aan suurta gal ahayn ku tilmaamay in dalka markale ay kadhici karto doorasho ku salaysan hannaanka  4.5 kaas oo xalay la jaan-gooyey in wixii kadambeeya 2016-ka aan wax lagu soo dooran doonin hanaankaasi.

“Marnaba suurta gal maaha in dalka dib loogu celiyo 4.5 wixii ka dambeeya doorashada 2016-ka, waxaana laga shaqayn doonaa qaabkii dalka loo gaarsiin lahaa doorasho ku salaysan deegaan inta ka horraysa 2020-ka”ayuu yiri Madaxweyne Dr. Gaas.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online