Madaxweyne Gaas iyo wafdi la socda oo u dhoofay dalka Itoobiya.[Dhagayso]
April 15, 2016 - Written by EditorgaasGaroowe:-Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta oo Jimce ah u dhoofay magaalada Addis Abba ee caasimada dalka Itoobiya isagoo a soo qayb geli doona shir madaxda Afrika ay uga hadlayaan dhinacyadda amniga iyo horumarinta dhaqaalaha Afrika. Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo la hadlay saxaafadda inta uusan ka dhoofin garoonka diyaaradaha ee Garoowe ayaa xusay in dowladda toobi ay a wada hadli doonaa xaalada dalka Soomaaliya guud ahaan gaar ahaan arrimaha amniga iyo dhaqaalaha si ganacsiga iyo Kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland loo horumariyo.
Hoos ka Dhagayso Madaxweyne Gaas oo la hadlay saxaafadda inta uusan ka dhoofin Garoowe
[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/Gaaseito-.mp3]M_M_Deeq
Halgan.net