Madaxweyne Gaas oo ka qayb galay munaasabad lagu xusayey 56-sanno guuradii ka soo wareegtey aasaaskii ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.[Masawro]

April 12, 2016 - Written by Editor

IMG_5655Muqdisho:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 12-April-2016-ka waxaa uu xarunta Wasaaradda Gaashaan dhigga Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho kaga qayb galay munaasab lagu xusayey 56-sanno guuradii kasoo wareegtey markii la’ aasaasay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo ku began 12-April-1960-kii.

Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte, Wasiirka Gaashaan dhigga Dawladda Federaalka Cabdul-qaadir  Shiikh Cali Diini, Taliyaha Xoogga Dalka Soomaaliya Generaal Maxamed Aadan Axmed Madaxweynayaasha Dawlad goboleedka Jubba-land iyo Maamullada ku meel-gaarka ah ee Koonfur-Galbeed iyo Galmudug iyo dhammaan saraakiisha ciidamada kala duwan ee dawladda federaalka Soomaaliya.

Taliya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Sarreeye Gaas Generaal Maxamed Aadan Axmed ayaa hambalyo u diray dhammaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed meelkasta oo uu joogo, waxaana uu intaa sii raaciyey in ay qorshaynayaan inay sameeyaan isku dhaf si loo helo ciidan qaran oo looga kaaftoomo ciidanka Amisom ee Nabad-sugidda u jooga Soomaliya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhinaciisa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan waxaana uu u rajeyey sannadka sannadkiisa in ilaahay nabad iyo horumar ku gaadhsiiyo.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sheegay in ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo isku dhafka ciidanka Xoogga dalka  si loo helo ciidan qaran oo wata summadda Qaranka Soomaaliyeed oo soo celiya sumcaddii iyo karaamadii ay lahayd ummadda Soomaaliyeed, dalkana ka sifeeya kooxaha sharwadayaasha ah ee diidan dawladnimada iyo nabadda Soomaaliya.

Geesta kale Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo  isaguna hambalyo iyo bogaadin taa lamid ah hawada u mariyey ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeeda ayaa sheegay in ciidanku ay yihiin laf dhabarta dalka, dawladdiisuna ay ka shaqaynayso dhisidda iyo qalbaynta ciidanka,  sidoo kale ay diyaar u tahay in dawladda Federaalka iyo Dalwadaha xubnaha ka ahi  ay kawada shaqeeyaan isku dhafka ciidanka.

—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online