magaalada Laascaanood laga Furay Xarun Caruurta lagu Madadaaliyo.[Masawiro]

April 8, 2016 - Written by Editor

2Laascaanood:-magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa laga furtay Xaruntan oo lagu magacaabo ‘Happy Park’si ay u noqoto xarun caruuta ay ku madadaalaystaan xilliyada ay ku daalaan waxbarashada iyo guryaha ay kaga nool yihiin magaalada Laascaanood . Xaruntan ayaa waxaa lagu qalabeeyey noocyada kala duwan ee ay caruurtu ku madadaalasyaraan ama ku ciyaaraan ,meel ay ku dabaashaan iyo waliba wixii ay cuni lahaayeen (Cunto iyo cbitaan).Sidoo kale waxaa ay leedahay goobo ay ku nastaan waalidiinta iyo barbaariyaasha Caruurta , macallimiinta iwm .

Fahad C/Nuur oo ah Maamulaha xaruntan isla markaana ka mida laba qof ee mulkiilayaasha xaruntani ayaa u waramay warbaahinta Somali News , Waxaa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in ay xilligan oo baahi wayn loo qabay ay furaan xaruntani , waxaana uu sheegay in hada ka hor ay soo martay in uu waayey meel uu u geey in caruurtiisa uu ku madadaalaysto. Sidaa daraadeedna u go;aansaday inuu booskaa u buuxiyo bulshada .

Dhinaca kale , Qaar ka mid ah waalidiintii soo booqatay xaruntani ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin , xaruntani , hada ka dibna ay helayaan meel ay ku xisaabtaan xilliyada firaaqada ay leeyihiin ubadkooda. Xaruntani waxaa ay ku taallaa Dhinaca bari ee Cusbitaal Manhal dhabarka danbe ee Masaajidka Sunnah .

no images were found

En Mawliidd Isma Haradigeed
Laascaaood,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online