Nadwo diini ah oo ka socotay masjidka Al-Rowda ee Boosaaso oo la soo gabagabeeyey lagana soo saaray Bayaan.[Masawiro/Daawo]

April 20, 2016 - Written by Editor

IMG_20160419_201548-1Boosaaso:-Waxaa xalay Masjidka weyn ee Alrowda ee magaalada Bosaso ee xarunta Gobolka Bari lagu soo Af meeray Nadwadii 14aad ee si xiriir ah loogu qaban jiray masjidka Alrowda Bosaso waxaana Xiritaanka Kahor Muxaadadaro soo Jeedshay Sh.Axmed Cabdisamad Cabdulle oo cinwaankeedu ahaa “ caqabada hortaagan midnimada umadda iyo sida looga gudbi karo” iyo baaq ay soo saareen culimadu. Sh.Axmed Cabdisamad Cabdulle ayaa sheegay in sababta ay mowduucan ugu hadlayo ay tahay ahmiyadda uu leeyahay iyo sida loogu baahanyahay in la xaqiijiyo inay umaddu midowdo,sidoo kale in la fahmo sababta keentay in lakala tago.

Umaddani waxa ay ka midaysantahay dhinacyada diinta,dhaqanka,afka,isirka iwm , waana dad dhinac walba isku mid ka ah, waxaana xusid mudan halka somalidu isku raacsantahay dhammaanteed waa dhinaca diinta ayuu yiri sheekhu.

Haddaba maxaa hortaagan inay umadda soomaaliyeed midoobaan?

Waxaa jira waxyaalo dhowr ah oo asaas u ah inay somalidu isu iman waydo waxaana ka mid ah inay fahmi waydo halka ay uga timid mushkiladda kala kaxaysay,sababtoo ah ma muuqato cid toos u hortaagan inay somaalidu isu timaado ee mushkiladdu waa dhexdooda, faragalin shisheeye waa jirtaa oo maahan wax la inkiri karo lkn waxaa xusid mudan inay yartay saamaynta ay kuleedahay haddii ay somalidu isu imaanayso oo danahooda ka tashanayso.

Caqabadda labaad waxa weeye qabyaaladda oo runtii noqotay meel laga istaaro soomalida ,tusaale ahaan ninkii doonaya inuu mashruuc ku fushado waxa uu kazoo maraa dhanka qabyaaladda iyo kicinteeda. Waxaa iyaduna kamid danta shaqsiga ah oo laga hormariyo midda guud,taasoo inta badan kala dhantaasha midnimada umadda , sidoo kale waxaa qayb ka ah lataliyayaasha xun xun.

Warbaahinta ayaa iyaduna saamaynta ugu xoogga badan ka qaadata kala gaynta umadda iyada oo baahisa khilaafka umadda,waxayna buunbuuniyaan abtirka gaar ahaaneed,deegaan hoose, sidoo kale waxa ay niyad jab ku ridaan shacabka iyaga oo inta xun sheega.

Hadda maxaa xal u ah inay umaddu midowdo?

1. In lawalaaleeyo umadda mashruucaasna lagu baahiyo umadda dhexdeeda

2. In kor loo qaado wacyiga ummada lana tuso dhibaatada haysata

3. In la helo dad xul ah oo isku xiran , iskuna kalsoon, lagana helo deegganada oo dhan

4. In warbaahintu kaalin wayn ka qaadato isu keenidda umadda loona taba baro

5. In somalidu ay iska aragto mushkiladda xarakada alshabaab

6.In qabiil walba la heshiiyo qabiilka ay is hayaan sidoo kale ay heshiisiiyaan kuwa kale

7.In la sameeyo guddiyo shacabka ku hogaamiya midnimada

8. In maamulada dhisan la islaaxiyo loona naseexeeyo

Sheekhu waxa uu umadda ilaahay uga baryay inuu kalmadooda mideeyo qalbiyadoodana isu soo jeediyo. Intaas kadib Waxaa lagalay Qaybtii Xiritaanka Nadwada Waxaana Uguhoraynba Faahfaafin Kabixiyay Kulaneemeedkaan Mudadii Uu Socday Iyo Marxaladihii Uu soomaray Sh Xassan Cabdullahi Sh.Xassan Waxaana Uu faahfaahin dheer kabixiyay Nadwada Isagoo Sheegay In ay udhacday sidii Loo qorsheyay .

Waxaa Xaflada soo xiritaanka nadwada ka jeedyey hadalo Dardaaran Iyo Dhiiri galin Iyo Waliba Mahadcelin ah Issimo Ganacsato Iyo Mas’uuliyiin kale oo badan .Intaas ka dib Waxaa lagu soo dhaweeyay Cabdi Raxmaan Aw Ciise oo Akhriyay bayaan laga soo saaray nadwadi 14aad ee lagu qabto masjidka Al-rowda ee Boosaaso.

Hoos ka Daawo Cabdi Raxmaan Aw Ciise Oo Akhriyay bayaanka laga soo saaray Nadwada

Culimada sidda  wada jirka ah bayaanka uga soo saaray Nadwo cilimiyeedki 14aad ee xalay lagu soo afmeera masjidka Al-rowda ee Boosaas  waxaa ka mid ah:-

  1. Sheikh Daahir Aw Cabdi
  2. Sheikh C/naasir Xaaji Axmed
  3. Sheekh Xasan xuseen Axmed
  4. Sheikh axmed daahir xasan xuseen
  5. Sheikh maxamed macalin axmed
  6. Sheikh Maxamuud Xaaji Yuusuf
  7. Dr Axmed jaamc ismaaciil
  8. Sheikh C/raxmaan maxamed dhowre (Bukhaari)
  9. Sheikh Maxamuud maxamed xaliike
  10. Sheikh Fu’aad Maxamuud Xaaji
  11. Sheikh Faarax Maxamed Cajab
  12. Sheikh Maxamed C/laahi C/dule.
  13. Sheikh Axmed faarax Garaase
  14. Sheekh cusmaan maxamuud
  15. Sheikh Xasan c/llaahi xasan.

Mu’sssadda Al-mnhaaj
Boosaaso,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online