Ra’iisul wasaaraha DFS “Fursado badan ayaa ka jira dalka, dhalinyaradu waa in aysan naftooda ku halligin badaha.”

April 19, 2016 - Written by Editor

sharmaakeMuqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdi rashiid Cali Sharmaarke, ayaa ka tacsiyeeyey geerida dad tahriibayaal Soomaali ah oo ku geeriyooday Badda Meditarrean-ka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri “Aadbaan uga naxay runtii dhimashada ka dhalatay musiibadii ka dhacday Badda Meditarrean-ka, waxaana tacsi u dirayaa qoysaska iyo ehelada dadkii ku dhintay dhacdadaasi, waxaana alle uga baryayaa inuu u dambi dhaafo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo sidoo kale u tacsi u diray dawladdaha dadkii kale ee afrikaanka ahaa ee ku geeriyooday dhacdadaasi.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada, ayaa kula dardaarmay dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ka waantoobaan inay dalkooda ka cararaan, isla markaana si macno darri ah ay ugu dhamaadaan badaha caalamka, wuxuuna xusay in xukuumadda Soomaaliyeed ay muhiimada koowaad siin doonto waxbarashada iyo shaqo abuurka dhalinyarada si ay dalkooda ugu nagaadaan.

“Fursado badan ayaa ka jira dalka, dhalinyaradu waa in aysan naftooda ku halligin badaha, qurbajoogtii Soomaaliyeed ayaa dib ugu soo laabanaya dalkooda si ay ug qeyb qaataan dib u dhiska, mana haboonna in xiligan loo haajiro dalal kale” ayuu yiri ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaare Cumar.

—-DHAMMAAD—-

Ahmed-nur Mohamed
Prime Minister’s Media Office
Mogadishu Somalia

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online