Roobabka Gu’ga oo ka curtay Deegaanada Sool,Sanaag iyo Cayn.[Daawo]
April 11, 2016 - Written by EditorLaascaanood:-Guud ahaan dhulka Soomaalida intiisa badan oo bilihii u danbeeyey la ildarnaa abaaro aad u xooggan oo degaanada qaar ah sidda Gobalka Awdal oo sababtay dhimashada tiro dad ah, ayaa iminka laga dareemayaa curashada roobka gu’ga oo ay mudo dheer si aad ah u sugayeen dad weynaha Soomaaliyeed.
Degaanada sidda aadka looga dareemaayo xili roobaadkan waxaa ka mid inta badan degaanada Sool ,Sanaag , Cayn , Togdheer , iyo kuwo kale oo badan , wararka ka imaaanaya Goballada Sanaag, Bari iyo Gardafuu ayaa sheegaaya inay roobab wanaagsan heleen degaano ka tirsan Goballadaas oo ka mid ahaa degaanada ugu liitay xagga abaarta.
Degaanada roobka lagu diirsaday ka da’ay waxaa ka mid ah degaamo hoostaga degmooyinka Laascaanood , Widh WIdh , Ballihadhac , Buuhoodle , Hargeisa , Burco , Boorame , Baargaal, Carmo iyo Xingalool kuow kale oo badan , iyadoo dadka degaamadaas ay Alle uga mahad naqeen abaartii banayd ee uu ka dul qaaday.
Dadka Soomaaliyeed ayaa maalmihii u danbeeyey samaynaayey isu soo baxyo ay Alle kuwey-diisanayaan inuu ka dulqaado abaaraha iyo roob la’aanta haysata.
no images were found
Hoos ka Daawo Roobabka Guga oo ka Curtay Deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn
En Mawliid Isma Haradigeed
Laascaanood,Halgan.net