Sh Dr Cali Maxamed Saalax oo kulan la qaatay Sheekh Dr Salmaan Bin Fahad Al-Cowda (Masawiro).

April 13, 2016 - Written by Editor

Sheekh Dr Cali Maxamed Saalax oo jowlo dacwi ah ku maraya magaalada barakeysan ee Mecca Al-Mukarama ayaa waxaa uu kulan la qaatay Sheekh Dr Dr Salmaan Bin Fahad Al-Cowda oo ka mid ah culumada sida weyn looga yaqaan gudaha iyo dibada dalka Sacuudiga.
Sheekh Dr Salmaan Bin Fahad Al-Cowda ayaa casho sharaf soo dhaweyn ah u sameeyey Sheekh Dr Cali Maxamed Saalax Imaamka Masjidka Al-Tawfiiq ee dalka Norway waxaana uu Sheekh Dr Cali warbixin kooban ka siiyey Sheekh Salmaan Al-Cowda xaalada Muslimiinta norway iyo dacwada guud ahaan.

Sheekh Dr Salmaan Bin Fahad Al-Cowda ayaa aad loogu yaqaan in karamka iyo soo dhaweynta Ducaawada waxaana uu kula dardaarmay ducaada ka soo qeyb gashay Csho sharafta Cabsida alle iyo in la dardar galiyo dacwada si xikmadeysan .

Sheekh Dr Cali Maxamed Saalax iyo Sheekh Salmaan Al-Cowada ayaa waxaa ay ka wada hadleen xaalada dhalinyarada Islaamka iyo sida looga ilaalin karo khataraha ku xeeran gaar ahaan kuwa ku nool Qurbaha .[]

Sheekh Dr Cali Maxamed Saalax ayaa kalimad ka jeediyey goobta isaga oo ugu bishaareeyey culumada in khayr badan uu ka soco Maraakizta Islaamka balse loo baahan yahay in qaab nidaami ah sida Macaahid Sharci ah ama Jaamacaad u baahan yihiin dhalinta ku dhaqan dalalka Reer Galbeedka .

Jawiga iyo kulanka Sheekh Dr Cali Maxamed Saalax iyo Sheekh Dr Salmaan Bin Fahad Al-Cowda iyo culumada kale ayaa ku soo dhamaaday jawi iimaani ah .

Mecca
Halagan

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online