Siyaasi Cali Xaaji oo waraysi gaar ah uu siiyey Golaha 88 kaga hadlay hishiiska Puntland iyo DFS.[Dhagayso]
April 5, 2016 - Written by EditorNairobi:-Dr.Siyaasi Cali Xaaji Warsame oo soo noqday Wasiirka Waxbarashada Puntland 2014 ayaa si adag uga horyimid heshiiska Garowe ku dhexmaray Dowladda Federaalka iyo Puntland. Heshiiskaas oo ku saleysnaa in hannaanka Geeddi-socodka Doorashooyinka dalka ee sanadkaan 2016 ay Puntland ku gasho nidaamka 4.5 kaasoo horay u diidaneyd.
Dr. Cali Xaaji Warsame ayaa sheegay in heshiiskan uusan Shacabka Puntland macno weyn u samaynayn isla markaana uusan wax weyn ka badalayn mowqifkoodii hore ay ku diideen 4.5. Sidoo kale in heshiiskan la gaaray uu dhaawac weyn ku yahay Dowladda Puntland oo u hoggaamiyo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas maadaama la hareer maray Aftidii iyo mowqifka shacabka Puntland iyagoon lagala tashan.
[audio: http://www.golaha88news.com/wp-content/uploads/2016/04/Siyaasi-Cali-Xaaji-Warsame-oo-ka-hadlay-heshiiska-Puntland-la-gashay-Dowladda-Federaalka-ee-4.5.mp3]Source:Golaha88