Wafdi uu hogaaminayo Michael Keating oo la filayo in uu soo gaaro Garoowe

April 1, 2016 - Written by Editor

525661Keating_SomaliaGaroowe:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaoowe ayaa sheegay in la filayo in uu soo gaaro Garoowe wafdi uu hogaaminayo Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating. Wafdiga Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabislan arrimaha Soomaaliya Michael Keating oo ay ku jiraan Safiiro ayaa waxaa uu u soo biiri doonaa wada hadala u dhexeeya wafdiga dowladda Federaalka soomaaliya ee uu hogaaminayo Ra’isul wasaare Sharmaake iyo Madaxda Puntland oo aan ilaa hadda wax natiijo ah aan la isla gaarin.

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabislan arrimaha Soomaaliya Michael Keating  ayaa waxaa la sheegayaa in uu qayb ka noqon doono wada hadalo la doonayo in loogu qanciyo nidaamnka 4.5  madaxda Puntland , Issimada , Siyaasiyiinta iyo qaybaha kale ee bulshada oo ay horay u diideen.

Warara hoose ayaa sheegay in uu jiro heshiisyo kale oo aan ahayn 4.5 oo ay soo gudbiyeen gudiga Puntland ee wada xaajoodka kula jira Ra’iisul wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Dr.Cumar Cabdirashd Cali Sharmaake oo mudo ka badan usbuuc ku sugan Garowe.

Ilaa hadda ma jiro wax heshiis ah oo ay wada gareen wafdiga Dowladda Federalka Soomaaliya ee uu hogaaminayo Ra’iisul wasaare Sharmaake iyo Puntland oo loo soo bandhiga saxaafadda ka howl gasha deegaanada Puntland.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online