Wasiir Farkeeti ayaa shirkii sanadlaha ahaa ee Wasiirada Maaliyadda ee Jaamacada Carabta uga qayb galay dalka Baxrayn.[Masawiro]

April 8, 2016 - Written by Editor

12935246_1238256096202568_1483993563_nMuqdisho:-Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Maxamed Aden Ibrahim Farkeeti iyo wafti u hogaaminayo ayaa dalka Baxrayn uga qayb galay shirkii sanadlaha ahaa ee Wasiiradda Maaliyadda ee Jaacadda Carabta, Shirkan ayaa waxaa soo agaasimay  shanta haya’adood ee dhaqaallaha ee hoostagta Jaamacadda Carabta. Waxaana isugu yimaada dhammaan Wasiiradda Maaliyadda & Gudoomiyeyaasha Bangiyada Dhexe.

Arrimaha ugu muhiimsan ee shirkaan diiradda lagu saaray sanadkaan waxaa ka mid ah, Kobcinta maalgashiga wadamada ku bohoobay Jaamacada Carabta. Horumarinta Beeraha. Sidii loo heli lahaa suuq Carbeed oo midaysan iyo Dar-dar galinta dhaqaalaha waddamada Carabta

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa shirkaan hor dhigay warbixin ka hadlaysa guud ahaan dhaqaalaha Soomaaliya meesha uu marayo, caqabadaha jira iyo sida ugu habboon oo looga bixi karo. Sidoo kale Wasiirka ayaa soo jeediyey talooyin ku wajahan dowrka wadamada Carabta ee ku aaddan sida Soomaaliya u gacan siin lahaayeen dib u soo noolaynta kaabayaasha dhaqaalaha iyo shaqo abuurka.

Sidoo kale intii kulanku socay ayaa Wasiirka Maaliyada Soomaaliya wuxuu kulamo gooni-gooni  ah la yeeshey dhamaan hey’adaha Maaliyadda Carabta ee ka soo qayb galay shirkaan iyo Wasiiradda Maaliyadda boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo Kuwait waxayna ka wada hadleen xiriirka dhaqaalle ee labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa maalgashi dhax mara labada wadan. Sidoo kale Wasiirku wuxuu la kulmay boqorka dalka Bahrain Amiir Hamdi Binu Ciisaa Aala khaliifa, wuxuuna siiyey warbixin ku saabsan Soomaaliya ayiga oo ka wada hadley xiriirki dhaqaalle ee labada wadan.

Wasiirka ayaa sidoo kale wuxuu la kulmay gudomiyaha sanduuqa Sacuudiga iyo kan lacagta carabta, waxayna aad ooga wada hadleen sidii Soomaaliya looga kaalmeen lahaa dhanka dhaqaallaha, Maalgashiga iyo Sidii looga cafin lahaa deynta ku raagtay.

Ugu danbeentii shirka oo socday mudo labo maalin ah ayaa gaba gabadii kulanka waxaa aad loogu soo dhaweeyey horumarka ay dowladda Soomaaliya ay ka samaysay  dhanka maamul wanaaga maaliyadda, iyo isla xisaabtanka, taas oo dhiiri galin karta in dalku helo kaalmooyin wax ku ool ah.

no images were found

Xafiiska wasaaradda maaliyadda
Dowladda faderaalka

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online