Wasiirka G/dhiga DFS oo Addis Ababa uga qeyb galay Shirka Amaanka Munich (Masawiro)

April 19, 2016 - Written by Editor

1 (3)Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia uga qeyb galay Shirka Amaanka Munich (MSC) oo wadajir u soo qaban-qaabiyeen dawladaha Jarmalka iyo Ethiopia, kana qeyb galeen ku dhawaad 60 hogaamiyayaal sare oo ka socda qaaradaha Africa, Europe, Maraykanka iyo Ururo Caalami ah, iyadoo daaradda la saarayay ammaanka iyo dagaalka lagula jiro kooxaha Argagixisada ah ee dhibaatada ka wada qeybo kamid ah Qaaradda Afrika oo Soomaaliya ay kamid tahay.

Wasiirka Gaashaandhigga oo khudbad ka jeediyey Shirka ayaa madasha ka sheegay in Soomaaliya ay ku jirto xaalad dagaal oo ay la tacaaleyso koox argagixiso ah una baahan tahay taageero iyo in gacan buuxda laga siiyo horumarinta Ciidanka Qalabka sida si ay awood ugu yeeshaan dhamaystirka haraadiga Argagixisada.

Khudbad uu shirka ka jeediyay Wasiir Diini waxaa kaloo uu ku xusay khatarta argagixisada ku hayso caalamka iyo sida loogu baahan yahay in meel looga soo wada jeesto dagaalka looga soo horjeedo.

Dhanka kale, Wasiir ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxdii shirka ka soo qeyb galay, waxana ay isla soo qaadeen xoojinta xiriirka dhinacyadaasi kala dhexeeya Soomaaliya, xaaladda amniga ee gobolka Geeska Afrika, arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya iyo taageerada dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya.

—-DHAMMAAD—

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya

E-mail: gaashaandhigga@gmail.com

Twitter: @MinisterDini

Leave a comment

*

Archives
April 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online