Wasiirka Waxbarashada Puntland oo kulan la qaatay waxgaradka Degmada Dhahar.
April 2, 2016 - Written by EditorDhahar:-Wasiirka waxbarashada dowlada Puntland Abshir Ow Yuusuf ayaa waxaa uu gaaray magaalada Dhahar ee gobalka Sanaag waxaana uu halkaas kulamo kula qaatay waxgaradka iyo shacabka ku dhaqan magaalada Dhahar.
Wasiirka waxbarashada dowlada Puntland Abshir Ow Yuusuf ayaa waxgaradka iyo shacabka dhahar waxay kala hadleen sidii loo sii hormari lahaa waxbarashada gobalka Sanaag waxay kale oo u gudbiyeen baahida aqooneed ee ka jirta gobalka Haylaan.
Wasiirka waxbarashada dowlada Puntland Abshir Ow Yuusuf ayaa sidoo kale wuxuu kormeer ku sameeyey goobaha waxbarashada ee magaalada Dhahar.Wasiirka ayaa waxaa uu kormeer shaqo ku joogay gobalka Sanaag wuxuuna sidoo kale uu booqday dhismaha jaamacada Maakhir.
M_M Deeq
Halgan.net