Wufuud ka socota beesha Caalamka oo gaaray magaalada Garoowe
April 3, 2016 - Written by EditorGaroowe:-Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland ayaa sheegaya in wufuud tiro badan oo ka socda beesha caalamka ay saaka gaareen Garowe waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas
Wafuud ilaa iyo hadda soo gaaray magaalada Garowe waxaa ka mid ah,xoghayah guud ee urur goboboleedka IGAD Maxbuub,Wasiirka Arrimaha dibadda Ethoipia Tedros oo markii ugu horaysay Garowe yimi, wakiilka Midowga Yurub ee Somalia Michael Cervonesafiirada qaar ka mid ah dalalka safaaradaha kuleh Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.
Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka helayno magaalada Garowe ayaa sheegaya in DFS iyo Puntland ay kala saxiixan doonaan heshiis kaas oo aan si rasmi ah loo shaacin ,wararka qaar ayaa sheegaya in Puntland ogolaatay nidaamka 4,5 balse ay dhaafsatay qodobo kale .
Xaalada Kacsanaan ah ayaa laga dareemayaa magaalada Garowe iyada oo dadweynaha ay aad u diidan yihiin nidaamka 4.5 waxaana ciidamo badan la dhigay laguna daadiyey magaalada Garowe.
Wixii warar ah ee soo kordha kala soco Halgan.net
M_M Deeq
Halgan.net