Xasan Xanafi Xaaji oo saaka lagu toogtay Fagaaraha School Polizio
April 11, 2016 - Written by EditorMuqdisho:-Waxaa saaka lagu toogtay magaalada Muqdsho Xasan Xanafi Xaaji C/salaan oo lagu eedeeyey in uu shirqool ku dilay wariyaal badan oo ka howlgali jiray magaalada Muqdisho waxaana lagu toogtay Fagaaraha School Polizio ee Degmada Xamar-jajab.
Cutubyo ka tirsan Ciidamada DFS ayaa ku Fuliyay Xasan Xanafi Xaaji C/salaan dil toogasho ah ka dib markii ay maxkamada ciidanka DFS ay ku xukuntay dil toogasho ah,
Xasan Xanafi ayaa lagu ku Eedeeyey inuu ka dambeeyay dilka wariyaasha kala ah Sheekh Nuur Maxmed Abkey, Tifaftirahii Wakaaladda SONNA, Saciid Tahliil Warsame Agaasimihii Horn afrik, Mukhtaar Maxamed Hiraabe Agaasimihii Idaacadda Shabeelle iyo wariyaal kale oo ka howlgala magaalada .wuxuuna ,ka mid ahaa kooxda Al-Shabaab ee dhaqanka ka dhigatay daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed.
Waxaa wili xabsida magaalada Muqdisho ku jira saraakiil ka tirsan kooxda Al-Shabaab kuwaas oo hogaaminayey dagaalo dhiig badan ku daateen hanti badana ku burburtay balse su,aashu waxay tahay madaxya weynta ku jira filooyinka iyo xabsida Muqdisho ma la marsiin doonaa cadaalada ?
Qaar ka mid ah Wariyaasha ka howlgala Muqdisho iyo ehelada wariyaasha lagu dilay Muqdisho ayaa goobjoog ka ahaa dilka Xasan Xanafi kuwaas oo si weyn u soo dhaweeyey,
A/Cawale
Halgan.net