Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka DFS oo caawa la weeraray
April 26, 2016 - Written by EditorMuqdisho:-Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka DFS ayaa caawa waxaa lagu weeraray hoygiisa oo ku yaal Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir waxaana xildhibaanka gurigiisa ku weeraray rag hubaysan oo wata Labo Mooto.
Xildhibaanka la weeraray ayaa waxaa magaciisa la yiraahdaa Malaaq Ibraahim Aadan Dhaayoow waxaana gurigiisa lagu Tuuray Bam Gacmeed taas oo dhaawac fudud gaarsiisay mid ka mid ah ilaaladiisa.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ka howlgasha magaalada Muqdisho waxaana uu xaqiijiyey weerarka lagu qaaday guriga Xildhilbaan Malaaq Ibraahim Aadan Dhaayoow .
C/fitaax Cumar Xalane Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa intaa ku daray in Xildhibaan Malaaq Ibraahim Aadan Dhaayoow uu bad qabo waxna aysan gaarin. Ciidamo ka tirsan DFS ayaa goobta soo gaaray waxayna howlgalo ka bilaabeen Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir .
A/Cawale
Halgan.net