Ciidamada PSF ee Puntland oo howl gal ka fuliyey Buuraha Calmadow.[Masawiro]

November 14, 2020 - Written by Editor

Boosaaso:- Ciidamada PSF ee Puntland ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay howlo ka wadeen deegaano kale duwan waxaan maanta howl gal ka fuliyeen deegaanka Sugure iyagoo howl galka ay ku weheliyaan Ururka Galayr ee ciidamada Daraawiishta Puntland.

Ciidamada PSF iyo kuwa ururka Galayr ee daraawiishta Puntland waxaa kale oo ay hawlgallo amniga lagu xaqiijinayo ku fuliyeen tuulada Karin iyo Buuraleyda Ceel Onkud iyo Muguc.

Degaanadan ciidamadu hawlgalka ka sameeyeen ayaa waxaa uu 45 KM ka xiga dhanka Koonfur Bari magaalada Bosaso ee xarunta Gobolka Bari waxaana saldhigyo ciidan ku leh ciidamada difaaca Puntland ee dagaalka kula jira kooxaha ururka Al-shabaab iyo Daacish.

Saraakiisha ciidamada PSF ayaa intii ay ku sugnaayeen deegaanka Sugure waxaa ay u kuur galeen xaalada degaanada ku teedsan Buuraha Calamadow ee Gobolka Bari oo dagaalo kala duwan ay kula galeen ururka Al-shabaab.

Saraakiisha ciidamada PSF iyo Saraakiisha ururka Galayr Daraawiishta Puntland ayaa bogaadiyey ciidamada darawiishta ee difaaca uga jira Buuraha Calmadow ee Gobolka Bari si ay u sugaan amaanka iyo nabadgelyada.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2020
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online