Ciidanka amaanka Gobolka Karkaar oo qabtay lacag gaaraysa 1 Bilyan oo shilin Soomaali ah.[Masawiro]

November 12, 2020 - Written by Editor

Qardho:-Ciidanka Amaanka Gobolka Karkaar ayaa habeenimadii xalay waxaa u suurta gashay in ay gacanta ku dhigay lacag ku dhaw 1 Bilyan oo shillin Soomaali ah iyo gaarigii waday.

Lacagtaan ayaa laga soo qabtay deeganka Alxamdullilah oo ka tirsan degmada Waaciye ee Gobolka Karkaar, waxaana si sharci darro ah lagu gallin lahaa magaalada Boosaso ee Gobolka Barri.

Guddomiyaha Gobolka Karkaar Mudane Siciid Maxamed Faahiye iyo Duqa degmada Qardho Cabdi Siciid Cismaan ayaa si wadajir ah ugu mahad celiyay ciidanka hawlgalkaan fulliyay, waxa ayna sheegeen in dawladdu ay xakameyn doonto lacagaha kaashka ah ee dalka soo galaya, si loo yareeyo sicir bararka lacagta shillinka Soomaliga ah oo mudooyinkii danbe shacabku si weyn uga cabanaayen.

=DHAMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MAAMULKA GOBOLKA KARKAAR.

Leave a comment

*

Archives
November 2020
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online