Ciidanka PSF ee Puntland oo gaaray degaanka Cawsane.

November 2, 2020 - Written by Editor

Boosaaso:-Ciidanka PSF waxay booqasho ku tageen degaanka Cawsane iyaga oo booqday xarunta maamulka, iyo weliba waaxda caafimaadka iyo dugsiga waxbarashada ee Cawsane,xog wareysi amniga la xiriira oo ay ciidanka PSF la yeesheen odayaasha iyo waxgaradka Cawsane ayaa ku soo dhamaaday si guul leh.

Saraakiisha Ciidanka PSF ayaa ku booriyey bulshada Cawsane in ay ciidamada PSF iyo laamaha kale ee amniga Puntland kala shaqeeyaan adkaynta amniga soona gudbiyaan wixii khatar ku ah degaanka.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa qaar ka mid ah saxaafada waxaa ay tabiyeen in deegaanka Cawsane lagu arkay xubno ka tirsan ururka Al-shabaab balse arrinkaas waxaa beeniyey saraakiil ka tirsan ciidanka Puntland.

Ciidamada PSF ayaa bishii la soo dhaafay waxaa ay howlo shaqo ku tageen degmada Carmo ee Gobolka Bari iyo deegano hoostagay deegaanka Xarfo ee Gobolka Mudug,waxayna booqdeen ciidamadu saldhiga degmada iyo Isbitaalka guud ee degmada qaybtiisa hooyada iyo dhallaanka oo ay ciidanka PSF ku wareejiyeen daawooyin iyo agab caafimaad oo kala duwan.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2020
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online