Howlgal lagu xaqiijinayo amniga oo laga sameeyey Magaalada Boosaaso ee xarubta Gobolka Bari.
November 22, 2020 - Written by EditorBosaaso:-Waxaa magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ka socda Howlgal ay iska kaashanayeen ciidamada Policeka,PSF iyo PMPF uuna hogaaminayay Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xussen Cali Maxamuud ujeedkiisuna yahay xaqiijinta amniga magaalada Bosaso xili dhawaan lagu qabanayo doorashada Xildhibaanada aqalka hoose ee DFS.
Howlgalkaan inta uu socday ayaa ciidamada waxay ku soo aruuriyeen hubka sida sharci darada loo sito waxaa sidoo kale lagu baarayey gawaarida iyadona laga fiiqayay bacaha madow ee lagu dhagsado baaburta.
Taliyaha Qeybta Gobalka Bari G/sare xuseen cali maxamuud ayaa shacabka uga mahadceliyay siday ciidamada ula shaqeynayaan intii uu socday howl galka amniga magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.
Halgan.net