Maamulka HirShabeelle oo u doortay madaxweyne cusub Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.[Video]

November 11, 2020 - Written by Editor

Jowhar:-Waxaa saaka ay Xildhibaanada Baarlamaanka HirShabeelle ay doorteen Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen cusub oo 4 sano ee soo socota hogaamin dona maamulka gobolleedka Hirshabeelle.

Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle ayaa waxaa loo doortay Cali Cabdullaahi Xuseen oo Guudlaawe waxaan tartanka la galay Cabdiraxmaan Jicmaale Cusmaan, Madaxweynaha cusub Cali Guudlaawe ayaa hellay 86 cod halka musharaxii la tartamayey cabdiraxmaan Cali uu helay 13 cod.

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka HirShabeelle ee saaka doortay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ayaa waxaa ay gaarayeen ilaa 99 Xildhibaan.

Madaxda cusub ee maamulka gobolleedka Hirshabeelle ayaa waxaa horyaal caqabado badan oo ay ugu horayso dhinac amniga , soo xulida Xildhibaanada cusub ee ka mid noqon doona Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhawaan ay qaban doonaan maamulada ka jira dalka si loo soo doorto madaxweynaha cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya 2020/2021.


A/cawaale
Halgan.net

.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

246,899 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>