Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida waa taageer sanahay howl galka ay dowladda Itoobiyo ka wado gobolka Tigrayga.[Dhagayso]

November 11, 2020 - Written by Editor

Ka dib toddobaad uu dagaal qaraar ka soconayay gobolka Tigray ee waddanka Itoobiya ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in boqollaal qof ay waxyeelo soo gaartay. Midowga Afrika ayaa madaxda federaalka iyo hogaamiyayaasha gobolkaasi ay colaadda ka taagan tahay ugu baaqay inay wadahadlaan oo la soo afjaro howlgalka Milateri.

Xiisadda labada dhinac u dhaxaysa ayaa sare u sii kacaysay tan iyo markii dowladda gobolkaTigreeda ay qabsateen doorashada walow dowladda federaalka ay arrintaas ay ku tilmaamtay mid sharci daro ah.

Haddaba madaxweynaha dowlad deegaanka Soomalida ee dalkaas Mustafe Muxumed Cumar ayaa sheegay in maamulka gobolkaas uu lid ku yahay deganaanshiyaha iyo nabadgelyada dalkaas.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in intii TPLF ay xukunka hayeen ay dhibaatooyiin badan ka geysteen deegaanka Soomaaida Itoobiya.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomalida ee dalkaas Mustafe Muxumed Cumar ayaa dhanka kale muujiyay taageerada ay dowladdiisa u hayso tallaabada militari ee ay dowladda dhexe ka qaaday gobolka Tigreeda.

Waxaa uu sidoo kale ka hadlay waxa ka jira warar sheegaya in dowladda deegaanka Soomaalida ay ciidamo u dirayso dagaalka ka socda gobolka Tigreeda.

Waxaa uu u waramey weriyaha BB-da Cabdiraxman Xaaji Cadow.

BBC

Leave a comment

*

Archives
November 2020
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online