Madaxweynaha Gal-Mudug oo shir gudoomiyey shirka Golaha wasiiradda Gal-Mudug
November 3, 2020 - Written by EditorDhuusamareeb:-Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu hareer fadhiyo ku xigeenkiisa Mudane Cali Daahir Ciid ayaa Guddoomiyey Shirka Golaha Wasiiradda oo maanta looga hadlay qodobo kala duwan, laguna meelmariyey afar (4) Hindise sharciyeed.
Kulanka ayaa ugu horreyn warbixin la xiriirta amniga looga dhageysatay wasiirka Amniga Gudaha oo golaha usoo bandhigay qorshaha Dib u xorreynta Deegaanada maqan.
Golaha ayaa go’aamiyey in la xoreeyo deegaanka kujira gacanta argagixisada.
Sidoo kale shirka ayaa lagu soo hadalqaaday falkii gurracnaa ee todobaadkan ka dhacay Cabudwaaq. waxaana hoosta laga xariiqay in gacanta lagu soo dhigo shaqsiyaadkii geystay fal-danbiyeedkaas.
Golaha wasiiradda ayaa go’aamiyey in si Daahfuran loo soo xulo Agaasimeyaasha Guud Ee Wasaaradaha. Waxayna u xilsaareen guddi ka kooban wasiiradda wasiiraddaha; Maaliyadda, Shaqadda, Waxbarashadda, iyo Caafimaadka iney ka gacansiiyaan Hay-adda Shaqaalaha Rayidka DGM arrintaas.
Ugu danbeyntii Golaha ayaa kulankooda ku meelmariyey Sharciyada kala ah; Sharciga Nootaayada,Sharciga Guddiga Adeegga Garsoorka, Sharciga Kaluumeysiga iyo Sharciga Shirkadaha Ganacsiga.
DHAMMAAD.