Madaxweyne Farmaajo oo is beddel ku sameeyey maamulka Gobolka Banaadir

November 14, 2020 - Written by Editor

Muqdisho:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Mudane Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, ahna Kuxigeenka 1-aad ee Guddoomiyaha Gobolka iyo Duqa magaalada Muqdisho, halka Mudane Cali Cabdi Wardheere loo magacaabay Ku Xigeenka Amniga iyo Siyaasadda.

Madaxweynaha oo sidoo kale tixraacaya, talo soo jeedinta Golaha Xukuumadda iyo qorshaha Ra’iisul Wasaaraha ee la xiriira dardar gelinta howlaha soo celinta bilicda Caasimadda ayaa u magacaabay Mudane Faarax Cabdi Diini Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir, halka Mudane Xiireey Axmed Rooble loo magacaabay Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey dhammaan masuuliyiintan uu magacaabay in ay degdeg u hirgeliyaan qorshaha hormarineed ee laga sugayo, uguna adeegaan shacabka Soomaaliyeed ee Gobolka Banaadir si daacadnimo iyo waddaniyad leh, wuxuuna ku ammaanay gudoomiyeyaashii hore ee xilalkan soo hayey wakhtiga ay u hureen u adeegidda shacabkooda iyo dalkooda.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Cabdirashiid Maxamed Xaashi
Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
November 2020
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online