Puntland oo ka tacsiyeysay geerida Gen. Khaliif Ciise Mudan

November 24, 2020 - Written by Editor

Garoowe:-Ku-simaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ku hadlaaya magaciisa, kan Dowladda iyo kan shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Gen. Khaliif Ciise Mudan oo ku geeriyoodey saaka dalka Turkiga.

Alle ha u naxariistee Khaliif Ciise Mudan waxa uu ahaa halyeey jecel horumarka nidaamka Dowliga ah, waxa uu soo noqday Taliyaha Ciidamada Cirka Soomaaliya burburkii ka hor, waxa uu ka mid ahaa aasaasayaashii Puntland, waxa uu kasoo noqday Puntland Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta, hadda waxa uu ahaa la-taliye Madaxweyne, waxaa uu ka mid ahaa guddiga dib u habaynta ciidamada.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland
Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa uga tacsiyeeyey geerida marxuum Gen. Khaliif Ciise Mudan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Puntland, si gaar ah waxa uu talafoon kula xiriiray qoyskiisii, eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku, waxa uu Alle SWC uga baryey inuu dembigiisa dhaafo, kuna abaal mariyo Jannatul Fardawsa, samir iyo iimaanna kasiiyo ummadda Soomaaliyeed iyo shacabka Puntlandba.

– DHAMMAAD –
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
November 2020
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online