Ra’iisul wasaaraha JFS oo ka tacsiyeeyey Qarax lagu dilay dhalinyaro oo ka dhacay Muqdisho.[Video]
November 28, 2020 - Written by EditorMuqdisho:-Ra’iisul wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Mohamed Xuseen Rooble ayaa waxaa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelada dadkii ku dhintay qaraxii argagixisadu Al-shabaab ay la beegsadeen maqaaxi ay dad shacab ahi ku sugnaayeen ee magaalada Muqdisho.
Ra’iisul wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Mohamed Xuseen Rooble ayaa yiri ”Eebbe ha u naxariisto intii dhimatay, dhaawacyadana Allaha bogsiiyo. Waa in aan u midownaa la dagaallanka argagixisada si aan dalkeenna iyo dadkeenna uga badbaadinno.
Qaraxa ayaa waxaa uu ka dhacay Maqaaxida ku taal magaalada Muqdisho waxaa ku dhintay Ugu yaraan 7 dhalin yaro ah oo ku fiidsaneysay maqaayada waxaan isku qarxiyey qof naftiis halige ah.
A/cawaale
Halgan.net