Wasaaradda Maaliyada PL oo horgeysay Golaha wakiilada miisaaniyada Dawlada Puntland ee sanadka 2021
November 19, 2020 - Written by EditorGAROOWE : Wasaaradda Maaliyada Dawlada Puntland ayaa maanta waxaa ay horgeysay Golaha wakiilada miisaaniyada Dawlada Puntland ee sanadka 2021. Miisaaniyadan Golaha la horgeeyey ayaa sanadkii dhan $341,861, 037.
Taas oo kala ah miisaaniyada laga maamulaayo khasnada Dawlada oo dhan $139,768,739 iyo miisaaniyada ka baxsan khasnada oo dhan $202,092,298 taas oo ah mashaariic ay hay’adaha caalamiga ka fulinayaan Puntland.
Ku-simaha wasiir maaliyada ahna wasiir ku-xigeenka wasaarada Eng: Cumar Xassan Fiqi oo golaha ka horjeediyey faah-faahinta miisaaniyada ayaa tilmaamay inay wasaaradu qabatay shaqooyin baaxad leh, kuwo horlehna ay qorshaysan yihiin sanadka soosocda ee 2021, wuxuuna sheegay in wax yaabaha qorahaysan ay kamid tahay hirgelinta Khasnada midaysan ee Dawlada oo laga maamuli doonaa dhamaan arimaha maaliyada Puntland oo ay kamid yihiin mashaariicda ay hay’adaha caalamiga ka fuliyaan Puntland.
Ugu dambayn Wasiir Fiqi ayaa golaha ka codsaday inay ansixiyaan miisaaniyada hortaala si loo dhaqan geliyo bilowga sanadka cusub.
Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland