Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha PL oo safar shaqo ku gaaray Degmada Isku-Shuban ee Gobalka Bari
November 28, 2020 - Written by EditorGaroowe:-Wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad ayaa maanta waxaa uu safar shaqo ku gaaray Degmada Isku-Shuban ee Gobalka Bari
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Mudane Maxamed Dhabancad waxaa safarka ku wehlinayey Wasiirka Tamarta iyo Macdanta DPL, Taliyaha qeybta Booliska Gobalka Bari.
Ujeedka safarka Waftiga uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL ayaa ku saabsan kormeer shaqo iyo dhismaha maamulka iyo Golaha deegaanka Degmada Isku-Shuban wacyi galinta Hannaanka Geedi Socodka Dimuquradiyada Puntland.
Waftiga uu hogaaminayey Wasiirka Waxaa Degmada Isku-Shuban ku soo dhaweeyey Degmada, odayaasha dhaqanka Iyo baqolaal kamid ah shacabka Degmada Isku-Shuban.
no images were found
DHAMMAAD.
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA FEDERALKA IYO DIMUQRAADIYEYNTA PUNTLAND.