Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Degmada Qardho oo lagu qabtay kulamo muhiim ah.
November 23, 2020 - Written by EditorQardho:-Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee degmada qardho Waxaa kulan ku yeeshay Kusimaha Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Keenadiid Cali jaamac, Xisaabiyaha gobolka karkaar Yasiin Cabdi Ciise, khabiirka Hantidhawrka gudaha C/lle amiiri C/lle, Madaxa hantidhawrka gudaha Axmed Cabdi Maxamed iyo masuuliyiin kale
Kulan kan ayaa looga hadlay hannaanka shaqo ee xafiiska hantidhawrka gudaha iyo tayaynta shaqaalaha.
Kulan kaasi waxaa ka hadlay kusimaha agaasimaha guud Keenadiid Cali Jaamac waxana uu uga mahad celiyay khabiir Cabdalla iyo Madaxa hanti dhawrk gudaha Puntland kormeer kooda ku aadan kor qaadista shaqaalaha Baarista gudaha.
Masuuliyiinta hantidhawrka gudaha ayaa horay kulamo ula qaatay shaqaalaha barista gudaha ee Gobolada Barri, Sanaag iyo Gardafuu tababarana ugu qabtay magaalada boosaaso.
Baahintii
Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland