Boqor Burhaan Boqor Muuse oo si rasmi ah ugu dhawaaqay 3-da Xariga ee Beesha Cismaan Maxamuud ee u tartami doona Baarlamanaka JFS

February 8, 2022 - Written by Editor

Boosaaso:-Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa caawa si rasmi ah u shaaciyey xubnaha beesha Cismaan Maxamuud ee loo qoondeeyey in ay ka mid noqdaan Xubnaha u tartami doona ka mid noqoshada Golaha Baarlamaanla ee Dowladda Fdeeraalka Soomaaliya , Boqorka ayaa arrinkaan shaaciyey ka dib kulan ay magaalada Boosaaso ku yeesheen Cuqaal, Nabadood iyo Aqoonyahano ka tirsan beesha Cismaan Maxamuud.

Qoraalka ka soo baxay caawa Boqor |Burhaan Boqor Muuse ayaa waxaa uu u qornaa sidda tan:-

Ujeedo: Qoondeynta Kuraasta Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Beesha Cismaan Maxamuud

Maanta oo taariikhdu tahay 08 Febaraayo 2022 kuna beegan Rajab 7, 1443, waxaa magaalada Bosaso ka dhacay shir ay isugu yimaadeen odoyaasha saddexda beelood ee doonaya in ay helaan labada xubnood ee Golaha Shacabka Dowladda Soomaaliya.

Sida la wada og yahay 275-ta xubnood ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalku waxay ku dhisan tahay hab qaybsi beelaha waxaana weli loo gudbin in deegaan lagu saleeyo kuraasta, sidaas darteed waxay ka soo bilaamataa shirkii Carta ee sanadkii 2000.

Saddexda xarig ee tirsanaya taraha ayaa kala ah Xariga Bah Gareen, Xariga Bah Yaaquub iyo Xariga Bah Dubeys (Xariga Garoowe).Beesha Bah Gareen ayaa kursi ka heshey Baarlamaankii u horeeyey ee lagu soo dhisey magaalada Carta sanadkii 2000.

Beesha Bah Yaaquub ayaa iyaduna heshey sanadkii 2004, halka beesha Bah Dubeys ay heleen xubin baarlamaan sanadkii 2009, labada xubnood ee Bah Yaaquub iyo Bah Dubeys waxay isla dhaceen sanadkii 2012.

Markii la waayey xarig tanaasula, waxaan guddoominey oo cuqaasha isla qaadaney in Labada xarig ee Bah-Yaaquub iyo Bah-Dubeys ay hal kursi ku tartamaan, Xariga Bah Gareen ayaa loo gartey in ay mudan yihiin in ay u tartamaan kursiga kale oo keligood leeyihiin.

Maadaama haweenku ay qoondo gaar ah ku lee yihiin baarlamaanka, waxaan isla qaadaney in beesha heshey kursiga keligeed ee Xariga Bah Gareen ay qaataan qoondada Haweenka oo ay keenaan DUMAR.

Wabilaahi Towfiiq

Boqor Burhaan Boqor Muuse

Leave a comment

*

Archives
February 2022
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online