Culimada Magaalada Hargeysa oo ka tacsiyeeyey geerida Sh.Cabdinaasir Xaaji Ahmed.[Video]

February 22, 2022 - Written by Editor

Hargeysa: Culimada Magaalada Hargeysa ayaa dhambaal tacsiya u diray Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo ka mid aha Culimada Soomaaliyeed.

1.Annagoo ku hadlayna afka Culimada Magacyadoodu hoos ku xusanyihiin ee magaalada Hargaysa,waxa aannu tacsi tiiraanyo leh u diraynaa dhammaan ummadda muslimiinta ah, bulsho waynta Soomaliyeed, mujtamaca soomaaliland, bahda Culimada, ardayda, shacabka gobolka Sool, Ehelkii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay Sh.C/Naasir X. Axmed Yuusuf, oo maanta lala beegsaday Qarax Qorshaysan, isaga oo Sheekhu u joogay safar dacwadeed magaalada kismaayo.

2. Culimadu waxa ay kaalin Muhiim ah ugu jiraan bulshada Islaamka ah, iyagoo xambaarsan dhaxalkii Nebiga -SCW- kaalintaa soo aanay cid kale buuxin karin.

3. Sh.C/Naasir X.Axmed waxa uu ahaa caalim weyn oo ka mid ah culimada soomaaliyeed ee ku suntanaa faafinta dacwadda Islaamka iyo soo sarista culimada, iyada oo ay ka aflexeen dad farabadan oo kala jooga daafaha dunida.

4. Sheekhu waxa uu lafdhabar u ahaa nabadda iyo heshiisiinta bulshada iyo weliba ka shaqeynta dhammaan arrimaha khayriga ah.

5. Sheekhu waxa uu caan ku ahaa in uu bulshada uga digo afkaarta qaloocan ee shaadhka diimeed huwan, laguna bannaysanayo dhiigga dadka muslimiinta ah.

6. Waxa aannu cod dheer ku canbaaraynaynaa falka foosha xun ee bahalnimada ah ee sheekha lagu dilay, annaga oo Alle u wayddiinaynna in uu u aqbalo shahiidnimo maadama oo loo dilay diinta Alle isaga oo faafinteeda ku hawllan, taasoo uu soo waday muddo 50 sannadood ku dhow.

7. Alle ha caafiyo walaalaha qaraxaa ku dhaawacmay.8. Ugu danbeyn waxa aannu ugu baaqaynnaa bulshada in ay ku xidhnaadaan culimadooda, ka bartaan diintoona, kana feejignaadaan afkaarta leexsan ee diinta aan waafaqsanayn.Magacyada culimada soo saaray baaqa tacsiyada:

1. Sh.Maxamed Sh.Cumar Dirir.

2. Sh.Maxamed Cali Jaamac.

3. Sh.Sul. Cawil Faatix Shire

4. Sh.Maxamed Cali Geedi

5. Dr.C.qani Xussen Maxmed

6. Dr.khadar Xassan Axmed

7. Dr.faysal Maxamed Cali

8. Dr.khiila C.raxamaan Mubaarak

9. Dr.Ciise Maxamuud C laahi

10. Sh.C.laahi Maxamuud Adam

11. Sh.Maxamed Adam Muxumed

12. Sh.Maxamed ibraahim Jaamac

13. Sh.Mubaarik Muuse Faarax

14. Sh.C.laahi Ibraahim Yuusuf

15. Sh.Maxamed Cabdi Carab

16. Sh.C.raxmaan Aw Axmed Cabdi

17. Sh.C.raxmaan Adam Cige

18. SH.Ibraahim Axmed Xirsi.

19. Sh.Maxamed Cali Biixi.

20. Sh.Maxamed Caydiid Muxumed

21. SH.Mukhtaar Cismaan Yuusuf

22. Sh.Mahad Maxamed C.laahi

23. Sh.Naasir Cali Barkhad

24. Sh.C.fataax Axmed Ismaaciil.

25. Sh.Mahad Xussen Axmed

26. Sh.Ibraahim Sh.Naasir Maxamed

27. Sh.Maxamed C.laahi Ibraahim

28. Sh.Axmed Cali Xasan

29. Sh.C.kariim Sh Maxamed Madar.

30. Sh.Maxamed Ibraahim Yaasiin.

31. Maxamuud C.laahi Jaamac .

32. Sh.C.raxmaan Maxamuud Faarax

33. Sh.Guuleed C.laahi Axmed

34. Sh.Dayib C.raxmaan Isxaaq

35. Sh.Mahad Maxamed Xusseen

36. Sh Maxamed Cabdi Haybe.

37. Sh.Ciise Axmed Ciise.

38. Sh.C.laahi Cismaan Yuusuf

39. Ex Badhasaab Axmed Cabdi falay.

40. Sh.Caydarruus Daa’uud Cismaan.

41. Sh.Sharma’arke Maxamed Ciise

42. Sh.Adam X. Maxamed Idriis.

43. Sh.Ducaale Dubbad Maxamuud.

44. Sh.C laahi C.raxmaan Jaamac

—-DHAMAAD—

Leave a comment

*

Archives
February 2022
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online