Madaxweynaha dowladda Puntland oo laga sugayo Boosaaso
February 18, 2022 - Written by EditorBoosaaso:-Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in uu maalinta beri uu safar shaqo ku gaaro magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar isagoona la filayo in uu uga sii gudbo magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari
Wafdiga Madaxweyne Deni ayaa la filayaa in ay kulamo gaar gaar ah la yeeshaan Maamulka Gobolka Karkaar waxaan ay iska xog waraysan doonaan xaalada abaaraha ee jira iyo amaanka Guud .
Magaalooyinka ka mid ah Gobolka Bari iyo Gobolka Karkaar ayaa waxaa laga dareemayaa diyaar garowga soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha dowladda Puntland oo imaanshihii aad looga sugayo Gobolka Bari gaar ahaan magaalada Boosaaso.
Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid C/laahi Deni ayaa kulamo la yeelan doona Issimada Gobolka Bari iyagoona ka wada hadli doona khilaafkii ka dhashay xil ka qaadistii Agaasimihii Ciidamada PSF oo uu ka dhashay gacan ka hadal sababay iska horimaad keenay dhimasho iyo dhaawac.
Dhinac kale magaalada Boosaaso ayaa waxaa lagu dooran doonaa ilaa 16 kursi oo ka mid noqon doonaa Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
M_M_Deeq
Halgan.net