Madaxweynaha dowladda Puntland oo laga sugayo Boosaaso

February 18, 2022 - Written by Editor

Boosaaso:-Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in uu maalinta beri uu safar shaqo ku gaaro magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar isagoona la filayo in uu uga sii gudbo magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari

Wafdiga Madaxweyne Deni ayaa la filayaa in ay kulamo gaar gaar ah la yeeshaan Maamulka Gobolka Karkaar waxaan ay iska xog waraysan doonaan xaalada abaaraha ee jira iyo amaanka Guud .

Magaalooyinka ka mid ah Gobolka Bari iyo Gobolka Karkaar ayaa waxaa laga dareemayaa diyaar garowga soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha dowladda Puntland oo imaanshihii aad looga sugayo Gobolka Bari gaar ahaan magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid C/laahi Deni ayaa kulamo la yeelan doona Issimada Gobolka Bari iyagoona ka wada hadli doona khilaafkii ka dhashay xil ka qaadistii Agaasimihii Ciidamada PSF oo uu ka dhashay gacan ka hadal sababay iska horimaad keenay dhimasho iyo dhaawac.

Dhinac kale magaalada Boosaaso ayaa waxaa lagu dooran doonaa ilaa 16 kursi  oo ka mid noqon doonaa Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2022
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online