Baarlamanka oo waqti dheeri ah siiyey R/W Xamza oo uu kusoo dhiso xukuumad cusub

July 25, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta muddo dheeri oo 10 maalmood ah ugu daray ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre muddada uu kusoo dhisayo xukuumadda cusub.

Xamza oo maanta baaralamanka horgeeyey codsi ku saabsan muddo kordhintan ayaa waxaa aqbaaly 144 xildhibaan, waxaana diiday hal xildhibaan

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey Xildhibaannada Golaha Shacabka muddo-siinta dhismaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu ka codsaday.

Xamza ayaa tilmaamay in caqabadaha ka dhashay doorashadii soo jiitantay ee muddada badan socotay iyo is aaminaad la’aantii siyaasadeed ee ay horseedeen khilaafaadkii doorashada, sabab u yihiin dib u dhaca dhismaha Golaha Wasiirrada, taas oo u baahan is-qancin siyaasadeed iyo soo celinta kalsoonida dowladnimada iyo Hay’adaha Qaranka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa.

“Si aan u soo dhiso xukuumad tayo leh, isuna dheelli tiran, waxaa lagama maarmaan noqotay inaan waqti ku filan geliyo la tashiyada an la sameynayo qeybaha kala duwan ee siyaasiyiinta dalka iyo bulshada rayidka Soomaaliyeed,” ayuu Ra’iisul Wasaaraha ku yiri codsiga uu u diray Baarlamaanka.

Xamza ayaa ayaa sheegay in muddada dheeriga ah ee la siiyey uu ku soo dhisi doonno xukuumad tayo leh, oo xaqiijin karta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed, dalkana ka samata-bixin karta abaaraha iyo dhibaatada argagixisada.

VOA Somalia
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
July 2022
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online