Golaha Baarlamaanka Dowladda Puntland oo ansixiyey Xisaab-xirka Miisaaniyadda 2021

July 30, 2022 - Written by Editor

Garoowe:-Golaha Baarlamaanka Dowladda ayaa ansixiyey Xisaab-xirka Miisaaniyadda 2021 oo dh $121,641,672 (Boqol iyo labaatan iyo kow Milyan Lix boqol afartan iyo kow kun Lix boqol todobaatan iyo laba doolar).

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa Shir-Guddoomiyey fadhiga 30-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Gudoomiyaha Golaha Wakiillad Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ku soo dhaweeyay Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada oo gacanta ku hayey, akhriska 2-aad-na ku samaynayey Xisaab-xirka Sannad-maaliyeedka 2021.

Sida uu qabo Qodobka 64-aad ee Xeer- hoosaadka Golaha Wakiillada ee ah habka loo ansixiyo Xisaab-xirka Miisaaniyadda, kadib Tallo-soo jeedinta Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Guddiga ayaa Odoraska miisaaniyadda sannadka 2021 ee Goluhu ansixiyey ku qeexay in laga filayey gudaha lacag dhan $94,085,580, waxaase dhab ahaan u soo xarooday $79,170,096, una dhiganta 84.15% waxaana muuqda is-dhin ah $14,915,484 una dhiganta 15.85%.

Sidoo kale, waxaa jira lacago laga filayey Mashriicda Bankiga Adduunka oo odoroskiisu ahaa $27,556,092, waxaana ka soo xarooday $14,213,358 iyadoo is-dhinku yahay $13,342,734 in la waayey filashadii Mashriicda Bangiga Adduunka ee 2021,
Waxaa xusid mudan in Xisaab-xirkan loo diyaariyey hab waafaqsan nidaamka Xisaabaadka kaashka caalamiga ah ee loo yaqaan IPSAS Cash Basis, Kadib waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 36 Xildhibaan, Diidmo 1, Aamus 9 xubnood sidaas ayey ansax ku noqtay Xisaab-xirka 2021.

Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Leave a comment

*

Archives
July 2022
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online