Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa ummada Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka Puntland ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Adxaa.

July 8, 2022 - Written by Editor

Garoowe: 08 July 2022: Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda, Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ummada Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka Puntland ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Adxaa.
“Ciid Mubaarak.

Waxaan Munaasabada Ciidul-Adxaha ee Sanadka 1443 Taariikhda Islaamka awgeed Hambalyo u dirayaa guud ahaan Ummada Muslimiinta ah meel ay joogaanba gaar ahaan Shacabka reer Puntland.

Mahad dhamaanteed Ebbe weyne ayay u sugnaatay oo nabad qab inagu soo gaadhsiiyey, sida aynu wada ognahay Ciidani waxay kusoo beegantay wakhti adag oo dadkeenu ku sugan yahay xaalad Abaareed oo daran sidoo kalena ay jiraan cuduro Alle haynaga saaree sidaas darteed waxaa la inooga baahan yahay dhamaanteen inaan garab istaag u muujino dadkeena ay Abaaruhu saameeyeen.

Ciidamada Amaanka, Xaasaskooda iyo Caruurtooda ayaan hambalyo gaar ah u dirayaa aniga oo og duruufaha adag ee ay ku shaqaynayaan weliba sida geesinimada iyo naf hurida leh waxaan farayaa inay laba jibaaraan maalmahan farxada leh shaqada ay u hayaan dadkooda iyo dalkooda.

Alle haynagu gaadhsiiyo sanadkan kiisa kale Barwaaqo iyo Badhaadhe.” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
July 2022
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online