Labadii jeer ee ay “kulmeen Farmaajo iyo Netanyahu” balse la qariyay.

July 13, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Wargayska “Times of Israel” ayaa daabacay warbixin uu ka qoray xogta ku saabsan kulan qarsoodi ah oo uu sheegay in uu dhex maray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Israa’iil, Benjamin Netanyahu.

Kulanka labada hoggaamiye oo markaas xilalka waddamooda hayay ayaa dhacay horaantii sanadkii 2020-kii, sida uu wargayskan Israa’iil laga leeyahay kasoo xigtay diblomaasi hore oo arrintaas ka warhayay.

Sida lagu xisay warbixintan, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bishii February ee sanadkii 2020-kii u duulay magaalada Qudus, isagoo uu wehlinayay Balal Cismaan, oo ahaa wakiilkiisa arrimaha Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Farmaajo iyo Netanyahu ayay suuragal tahay in ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan abuuriska xiriir u dhaxeeya labada waddan, sida uu Wargaysku xusay.

Hase ahaatee, dowladda Soomaaliya iyo dhiggeeda Israa’iil waligood ma shaacin kulan madaxdooda dhex maray iyo in ay xiriirkooda dhisayaan.
“Balse dadaalladaas ma aysan taageereynin dowladdii Mareykanka ee xilligaas uu madaxweynaha ka ahaa Donald Trump, oo aan rabin in uu Soomaaliya kusoo daro arrimaha gobolka,” ayuu yiri diblomaasiga uu soo xigtay wargayska.

Waxa uu sheegay in Trump uu Soomaaliya ku diiddanaa sababo la xiriira Xildhibaannadda Xisbiga Dimiqraaddiga ee sida wayn u dhaliili jirtay, Ilhaan Cumar, oo qaxootinnimo uga timid Soomaaliya.

Diblomaasiga xogtan faafiyay, oo la wareystay maalintii Isniinta, ayaa sidoo kale sheegay in kulan kaas ka horreeyay uu Farmaajo iyo Netanyahu dhexmaray 28-kii bishii November ee sanadkii 2017-kii.

Xilligaas ayay isku arkeen shir ay Nairobi ku yeesheen Netanyahu iyo madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, sida uu sharraxay diblomaasiga oo magaciisa la qariyay.
Kulanka 2017-kii ayaa ku yimid codsiga Benjamin Netanyahu.

Balse ma jiro war kasoo baxay dowladda Kenya oo lagu xaqiijinayo in Netanyahu uu la kulmay Farmaajo.

Afhayeenka xukuumadda Israa’iil ayaan kasoo jawaabin codsi uu wargaysku u diray oo ku saabsanaa in uu ka hadlo mowduucan.

Afhayeenkii hore ee madaxtooyada Soomaaliya ee xilligii Farmaajo oo aan xiriir la sameynay si aan arrintan wax uga waydiinno ayaan weli noo so jawaabin.

Warkan ayaa yimid xilli bishii lasoo dhaafay ay soo baxeen warar kale oo sheegayay in madaxweynaha Soomaaliya ee hadda xilka haya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu safar qarsoodi ah ku tagay Israa’iil, sanadkii 2016-kii.

Hase yeeshee, Villa Soomaaliya kama hadlin arrintaas wali.
BBC Somalia

Comments are closed.

Archives
July 2022
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online